Markab ay qafasheen Burcadbadeed oo saldhigan doono Qandala Puntland

|

Malta (ONKOD) Koox la rumaysan yahay in ay yihiin Burcadbadeed Sooamaliya ah ayaa xeebaha Qandala lagu soo waramayaa in ay ka qafasheen markab ganacsi oo ka diiwaan-gashan dalka Malta.

Wakaalada wararka Reuters ayaa  baahisay in  markabkan  uu u soo gurmaday markab ay leeyihiin ciidamada badda dalka  Spain  waxaa sidaas sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeedda.

Waa markii ugu horeeyay oo burcad badeeda ay qafaashaan Markab ganacsi tan iyo markii 2017-dii markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Sarkaal ka tirsanaa kooxaha aadka ugu ololaynayay , la dagaalanka burcadbadeeda Soomaalidda ayaa sheegay , in kooxaha laga yaabo in Markabka ay soo qafasheen ay keeni doonaan deegaanka Qandala halkaas oo mar saldhig u ahayd kooxaha.

Lama shaacin ilaa iyo hadda magaca doonta, islamarkaana mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isaga oo shareecanaya dhanka Soomaaliya abaare 2:26 pm Jimcihii, sida ku cad xogta shirkadda LSEG ee la socota dhaqaaqa markaaiibta.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha