Maxaa isku xiraya , dagaal beeleedka Galgaduud & Safarka Xasan Sheekh ?

|

Dhuusmareeb (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka  ah ee  Soomaaliya ayaa ku sugan degmada Dhuusmareeb ,halkaas oo ujeedka lagu sheegay in ay tahay ka qayb galka wajiga  labaad ee dagaalka AS.

Laakiin degaano ka mid ah gobolka galgaduud waxaa ka soo cusboonaaday , dagaal beeleed sababaya dhimasho iyo dhaawac , taas oo keentay walaac arrintaas ku saabsan.

Dhacdadii  ugu danbeysay ee dagaal beeleed ah ayaa lagu  dhibaateeyay shan caruur ah kuwaas o ku sugnaa deegaano ka mid ah Galmudug , taas oo cabsi badana ay abuurtay.

Beelaha isku hayay Galmudug oo in  mudda ahba – hakad uu galay , dagaalkooda ayaa – hada waxaa muuqanaya in dib ay u soo cusboonadeen tan iyo markii hoggaanka uu qabtay Madaxwayne Xasan Sheekh.

Qulqulutooyin dhawr ah ayaa ka dhacay deegaanada – maamul goboleedka Galmudug oo dhamaantooda salka ku ahaya arrimo qaba’il taas oo soo ifbaxday wixii ka danbeeyay 15- kii May.

Madaxwaynaha  Dowladda Federaalka , Soomaaliya wali ma uusan ka hadlin dhacdooyinkan oo imaanaya , iyadoo loo diyaargaroobayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Xagasha kale marka laga eego Dowladda ayaa u muuqata in ay iska iloobayso deegaanada ay ka jiraan dagaalada qabaailka keliya ay diirada saarayso deegaanada ka maqan gacanteeda ee ay Al- Shabaab maamulaan.

Inkastoo ay isku soo aadeen booqashada , Madaxwaynaha ee Galmudug ee qulqultooyinka salka ku haya aanooyinka qabiil hadana lama oga sida Dowladda ay u maarayn karto xaaladahan.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha