Maxaa ku riixay Xasan Sheekh inuu dib ugu laabto Galmudug ?

|

Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay  magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud  halkaas oo  uu ka bilaabi doono wada hadal ku saabsan howlgalada ka dhanka ah Al shabaab.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo culays kala kulmay beelaha dega Galmudug  , taas oo ku riixday inuu Maxaas uu tago isla markaana  ka codsado beelaha Hiiraan in laga gacan siiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa la  hordhigay markii uu tagay Maxaas inuu aqoonsado maamulka Hiiraan State oo uu dhisay Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cali Jayte inkastoo madaxwaynaha uu ka biyo diiday arrintaas.

Hadda markale ayaa lagula taliyay Xasan Sheekh inuu dib ugu laabto Dhuusmareeb si uu u ambaqaado wada hadalada beelaha qaar oo la sheegay in aan daacad ka ahayn howlgalada lagula dagaalamayo Al- Shabaab.

Culays xoogan ayaa ka jira xilliga hanaanka loo marayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab kuwaas oo la doonayay in ay si siman uga bilowdaan  Galmudug , hase ahaatee waxaa soo baxaya in aan daacad laga ahayn.

Lama oga sida   markale madaxwaynaha uu ugu guulaysan doono inu beelaha qaar uu ku qanciyo in laga gacan siiyo howlgalada oo uu u arko inuu ku heli karo kalsnooni dhanka shacabka ah

Waxaa kaloo xusid mudan in Galmudug xiligan uu  ka taagan yahay  khilaaf salka ku haya arrimaha Golaha deegaanka Caabudwaaq taas oo  la leeyahay waa saamayn kale oo  howlgalada ay ku yeelan karto hadii aan xal laga  gaarin

Related Articles

News In English

Fikradaha