Maxaa lagu arkay guriga ninka dilay Shinzo Abe ?

|

Japan (Onkod Radio) Raysal wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa laba jeer qoorta laga toogtay mar uu khudbad ka jeedinyay magaalada Nara maanta oo Jimce ah. Dhaawicii ka soo gaaray weerarkaasi uu u geeriyooday.

Masuuliyiinta ammaanka oo ku sugnaa goobta ayaa markiiba qabtay ninka dilka gaystay oo lagu sheegay inuu yahay 41 sano jir.

Booliska ayaa baaray guriga ninka waxyna ka soo heleen waxyaabaha qarxa, sida ay ku warrantay warbaahinta dalka Japan.

Booliska ayaa qarxiyay walxahaasi laga helay guriga.

Raysal wasaaraha ee hadda xilka haya Fumio Kishida ayaa cambaareeyay weerarka oo ku tilmaamay mid waxashnimo ah

Related Articles

News In English

Fikradaha