Maxaa maanta ka socda degmada Baardheere oo qaraxyo ay ka dhaceen ?

|

Baardheere (ONKOD) Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta waddooyin ka mid ah degmadaas ay isku fidiyeen ciidanka Itoobiya.

Sida wararka aan helayno ay sheegayan ciidanka ayaa howlgal ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dad ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya sidoo kale ay kalkaalinayaa oo howlgalka ay la fulinayaan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Xiriir aan la samaynay maamulka degmada ayaa ka kaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan howlgalka wadajirka ah ee ay fulinayaan ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Hase ‘ahaatee ‘ Weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac .

Sidoo kalena, Isbitaalka guud ee Baardheere oo shalay la geeyay dhaawacyada qaraxyadii shalaay ka dhacay Halkaas ayaanan dabooli Karin baahiyaha Caafimaad ee ka jira degmadaas.

Xerada la weeraray ayaa waxaa maalmahan lagu tababarayay ciidamo la sheegay in ay weerari doonaan Jubada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha