Maxamed Basharat: Ninka loo soo qabtay dil uu geystay sannadkii 1995-tii

|

Waxaa dalka Pakistan lagu xiray nin lala xiriirinayo dil ka dhacay gobolka Caerphilly 27 sano ka hor.

Maxamed “Bobby” Basharat ayaa looga shakisan yahay inuu dilay nin ganacsade oo la oran jiray Jaswant Singh Sandhu isagoo ku dhex dilay gudaha suuqa Blackwood sannadka markuu ahaa 1995-tii.

Hay’adda dambiyada qaranka ayaa sheegtay in 49-jirkan ay maamulka Pakistan ku heleen aqoonsi been abuur ah.

Hay’adda dambi baarista federaalka Pakistan ee FIA ​​ayaa sheegtay in ninkan la horgeeyay maxkamad ku taal Islamabad, islamarkaana lagu sii hayo xabsiga.

Baroor-diiq loo sameeyay ka dib toogashadii dhacday sannadkii 1995-tii
Baroor-diiq loo sameeyay ka dib toogashadii dhacday sannadkii 1995-tii

Mr Sandhu, oo ah aabbe leh laba carruur ah, isla markaana qoys ku lahaa Wolverhampton, ayaa ku dhintay cisbitaalka ka dib markii dilkiisa loo adeegsaday bastoolad ay ku dhacayeen goob dharka lagu iibiyo oo ku taal suuqa, sida muuqatana waxay ku saabsan tahay qiimaha funaanadaha.

Kiiska oo dhcay bishii Maarso ee sannadkii 1995-tii ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka Crimewatch ee BBC.

Maxamed waxa uu ku noolaa Oldham, Lancashire laakiin waxa uu ka shaqayn jiray suuqa koonfurta Wales saddex jeer todobaadkii.

Sheikh Zubair Ahmad oo ka tirsan FIA ayaa BBC-da u sheegay in booliska UK ay ku dhawaaqeen inuu baxsaday, xarigiisuna uu yimid kadib markii ay wada shaqeyn ka heleen maamulka UK.

Waxa uu howl-wadeen ka ahaa ganacsiyo ay ka mid ahaayeen wakaalada shaqaaleysiinta ee magaalada Rawalpindi.

Mohammad Basharat (bidix) oo la sawiray isagoo ku sugan xarun boolis

 

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Hay’adda dambi baarista federaalka Pakistan ee FIA, waxa uu ninkan ka soo jeeday degmada Mirpur ee gobolka Kashmiir ee Pakistan ay maamusho, kaddib markii uu Pakistan yimid waxa uu helay kaar cusub oo aqoonsi ah oo uu ku qoran yahay magaca Zamir Cali, ina Muxammad Aslam.

Sarkaalka FIA ka tirsan ka tirsan Hay’adda dambi baarista federaalka Pakistan ee FIA ayaa sheegay in sidoo kale saraakiisha booliska caalamiga ah ee Interpol ay la xiriireen, ayna socoto qaban qaabada dhiibista.

Bayaan ka soo baxay Booliska Gwent ayaa lagu yiri: “Nin 49 jir ah ayaa lagu xiray Pakistan, kaas oo looga shakisan yahay in uu dil geystay kaas oo lala xiriirinayo baaritaan ku saabsan dil nin ku dhintay Blackwood 1995-tii.

“Weydiimaha ayaa socda, baaritaannadana way sii socodaan, iyadoo ay gacan ka geysanaeyso hay’adda dambiyada qaranka iyo mas’uuliyiinta Pakistan, si loo xaqiijiyo u gacan gelinta UK halkaas oo uu ku wajihi karo dacwado kale oo maxkamadeed.”

 

 BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha