Maxamed Cabdi Cali oo ku guuleystay kursiga HOP 049 doorasho maanta ka dhacday Dhuusamareeb

|

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug,ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 049 oo horay uu ugu fadhiyay agaasimaha hay’adda  Socdaaka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Mustaf  Cali Dhuxulow.

Doorashada maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku guuleystay kursigan HOP 049 Maxamed Cabdi Cali, waxaana kula tartamayay Sheekh Mukhtaar Shahaad iyo Cabdirixiin Bariise.

Xildhibaanka la doortay Maxamed Cabdi, oo  madasha ka hadlay ayaa sheegay in mudda xileedka u dhiman oo ugu adeegi doono bulshada uu ku matalo kursigan.

Mustaf Cali Dhuxlow, ayaa xubnimada Baarlamaanka ku wayay kaddib markii uu qabtay xilka agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa weli banaan kuraas kamid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga madax banaan ay shegeen in kuraasta ka banaan golaha ay shaacin doonaan xiliga la qabanayo doorashadooda.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha