Maxay beeralleyda Khaatka Kenya, ka dhaheen dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud ?

|

Kenya (Onkod Radio) – Beeralleyda ka ganacsata khaatka ee Kenya ayaa xalay si toos ah u daawanayay doorashada madaxtinnimo ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale maalmihii la soo dhaafayna aad ula socoday halka ay mareyso.

Qoraal ay ku soo daabaceen boggooda Facebook, ayaa Ururka Ganacsatada Khaatka ee Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo NYAMITA waxay hambalyo ugu direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah. Kheyr baan kuu rajeyneynaa mudane Madaxweyne.” Ayay ku yiraahdeen qoraalka.

Ururka ayaa qoraal kale oo ay 12-kii bishan soo dhigeen boggooda waxay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaameen “cadowga khaatka”.

Khaatka Soomaaliya uga imaan jiray Kenya ayaa in muddo ahba ay mamnuucid saaran tahay, taas oo sida ay ganacsatada khaatka Kenya ay sheegeen ku keentay dhaqaalo xumo aad u daran. Arrintan ayaa sidoo kale xumeysay xiriirka labada dal.

Tallaabadii Xasan Sheekh uu ku mamnuucay jaadka Kenya ayaa xilligaas loo maleynayay inuu uga falcelinayay go’aankii ay Kenya ku dhawaaqday inay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa arrintaas ku tilmaantay mid “aan sharci ahayn”.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa dhex yaallay xilligaas muran ka dhashay badda kaas oo dowladdii xilligaas ee Xasan Sheekh Maxamuud ay geysay maxkamadda ICJ.

Kenya ayaa isku dayday inay Soomaaliya ku qanciso inay kiiska ka laabato si loo xalliyo muranka labada dal, balse taas ma aysan oggolaan Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ku hanjabay in ciidamada Kenya ee KDF uu kala baxayo Soomaaliya, isagoo u aaneeyay deeqaha oo laga jartay. Balse falanqeeyeyaasha ayaa waagaas sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu ciqaabayo Soomaaliya oo laa daalaa dhacaysay la dagaallanka Al-Shabaab.

 

Bishii March ee sanadkii 2020, ayay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mamnuucday diyaaradaha ka imaanayay dibadda, oo ay ka mid yihiin kuwa sida jaadka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallada lagula dagaallamayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Dowladda ayaa dadka ka mamnuucday inay meel isugu yimaadaan oo ay jaad ku cunaan, taas oo ka soo horjeedda sharciga kala fogaanshaha bulshada.

Waxay sidoo kale ka digtay in khaadka oo gacmaha lagu guro qudhiisa uu faafin karo xanuunka. Arrintan ayaa mar kale niyad-jab weyn ku keentay beeralleyda jaadka ee Kenya.

Ilaa iyo haatan waxaa jaadka Kenya ee tagi jiray Soomnaaliya saaran xayiraad.

BBC SOMALI

 

Related Articles

News In English

Fikradaha