Maxay Maxkamadda Sare ka tiri qaadista dacwadda doorashada xilli Fahad uu dacwad ka gudbiyay FEIT?

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Tan iyo markii uu Fahad Yaasiin, u gudbiyay dacwad ka dhan ah, go’aamada guddiga FEIT Maxkamadda sare ayaa waxaa soo baxaysay hadal hayn badan oo ka dhalatay in maxkamadda ay qaadi karto dacwado la xiriirta arrimaha doorashooyinka ayadoo aysan jirin doorasho sharci ah.

Doodda ugu weyn ayaa aheyd in Maxkamadda aysan qaadi karin dacwadaha doorashada, maadaama doorashadan ay tahay mid dadban oo ku dhisan heshiis ay wada gaareen maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa bishii July 2021 sheegay in Maxkamadda ay awood u leedahay ka garnaqa dacwad kasta oo ka dhalata doorashooyinka, kadib marka lagu qanci waayo go’aamada kasoo baxa guddiyada ku shaqada leh.

Marka ay billowdaan doorashooyinka go’aan kasta oo soo saaran guddiyada waa kuwa maamul oo waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka waxay diyaar u tahay ka garnaqa cabasho kasta oo ka dhalata go’aanada maamul ee gaareen guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan,” ayuu yiri guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa su’aasha ka dhalatay dacwadda uu gudbiyay Fahad, kadib markii uu ka biyo diiday go’aamada guddiga FEIT, oo ayagu go’aamiyay dib ku noqoshada kursiga uu ku guuleystay ee HOP#086.

Tallaabada Fahad Yaasiin, ayaa sida la fahamsan yahay timid kadib markii ay kasoo xirmeen albaabadii kale, si loogu fasaxo kursigiisa oo la sheegay in uusan marin habraaci saxda ahaa ee doorashada.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...