Maxay tahay lacagta laga xaday beerta Madaxweynaha Koonfur Afrika ee uu qariyay

|

Johannesburg (Onkod Radio) — Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa waajahaya dambi baadhis lagu samaynayo, kadib markii la ogaaday in uu ku guuldareystay inuu sheego lacag dhan 4 milyan oo dollar oo kaash ah oo laga xaday beertiisa oo ku taal waqooyiga gobolka Limpopo.

Warbixin ku saabsan lacagta laga xaday beerta madaxweynaha ayaa waxaa ku jira warqad markhaati ah oo laga qoray madaxii hore ee sirdoonka dalka Koonfur Afrika Arthur Fraser, kaas oo ka marag furay kiiska ka dhan ah madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Madaxweynuhu ma dafirin xatooyada balse waxa uu ku andacoonayaa in uu ku wargaliyay dhacdada xatooyada, madaxa qaybtiisa ilaalada gaarka ah, kaas oo aan u sheegin booliiska. Dalka Koonfur Afrika waa sharci darro inaan laamaha ammaanka loo sheegin fal dembiyeed dhacay.

Sida ku xusan waraaqda markhaatiga ee taliyihii hore ee sirdoonka dalkaas, madaxweyne Ramaphosa ayaa isku dayay inuu qariyo xatooyadaas, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2020 mar uu madaxweynuhu ka qayb gelayey shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacayey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dhowr xisbi oo mucaarad ah ayaa ku baaqay in baadhitaan buuxa lagu sameeyo xatooyadaasi iyo sida ay u dhacday, gaar ahaan in la baadho in lacagta la xaday inay ahayd lacag ay ogtahay waaxda cashuuraha ee dalka Koonfur Afrika.

Isbaheysiga Dimuqraadiga, oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaas, ayaa u soo jeediyey madaxweynaha Koonfur Afrika inuu iska beri yeelo eedaha ku hareeraysan xafiiskiisa ee la xidhiidha xatooyada iyo weliba sababta looga qariyey laamaha ammaanka.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah kaga hadlay dhacdadan, isagoo sheegay in lacagta kaashka ah ee la xaday inay ahayd miduu ka helay ganacsiga xoolaha nool ee ku sugan beertiisa.

“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in aanan ku lug lahayn wax fal dambiyeed ah, waxaanna mar kale ballan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono nooc kasta oo baadhitaan ah,” ayuu yiri madaxweyne Ramaphosa oo shalay Axaddii ka hadlay dhacdadan.

“Waxaan rabaa inaan sheego inaan ahay beeraley ahay, waxaan ku dhex jiraa ganacsiga Lo’da iyo ugaadha, ganacsigaas oo baarlamaanku ka warhayo, waxaan soo iibsadaa xoolaha nool ka dib dib ayaan u sii iibiyaa” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu.

Associated Press + VOA

Related Articles

News In English

Fikradaha