Maxay tahay nooca doorasho ee uu doonayo Madaxwayne Saciid DENI ?

|

ONKOD (Garoowe)  Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uusan doonaynin in muddo kordhin uu samaysto sida ay ku doodayaan qaar ka mid ah xubaha mucaaradka maamulkaas.

Deni waxa uu ku soo hadal qaaday khudbad uu jeediyay in lama huraan ay tahay in doorashada Puntland ay ku dhacdo waqtigeeda isla markaana keliya loo baahan yahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo arinkaas.

Madaxwenaha ayaa sheeay in jadwalka doorashada laga sugaayo guddiga doorashooyinka ee PEC.

”Guddiga doorashooyinka waan la kulmey shaqo wanaagsan ayey qabteen, waxaana laga sugayaa jadwalkii doorashada, waxkasta oo ay keenaan ayaan ku taageerayaa ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dadka ka faalooda siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynuhu afkiisa ka dheereeyey muddo kororsi, laakiin shaqada la qabanaayo aysan sinaba macquul u ahayn in la qabto, sidaas darteed waxa uu mindida u dhiibey PEC.

Mucaaradka ayaa isla caawa soo saarey war saxaafadeed waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn PEC, sidoo kale aysan aqoonsaneyn wax ka beddelka sharci darada ah ee dastuurka, wxii dhbaato ah ee ka dacana masuuliyadeeda uu qaadi doono Madaxweyne Deni.

Related Articles

News In English

Fikradaha