Maxay tahay sababta ay booliiska u xireen Ilhaan Cumar ?

|

Washington DC (Onkod Radio) – Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay Washington DC. Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhaw Maxkamadda Sare.

qoraal ay barteeda Tweetar-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda.

“Maanta waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab, waxaa la xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan Maxkamadda Sare,” ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Tweerar-ka.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congreska Mareykanka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto inay haweenka Mareykanka helaan xaq ay caruurta isaga soo ridi karaan. “Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan u kiciyo qaylo dhaanta ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqdeena dhanka taranka!”, ayay intaa ku dartay.

Muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa la arkayay Ilhaan Cumar iyo xildhibaano kale oo iska dhigaya sida in garba-duub loo xiray islamarkana dibadbax ka dhigaya afafka hore ee maxkamada sare.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee sida wayn ugu ololeynaya in dumarka xaq loo siiyo in ay ilmaha iska soo ridaan. Booliska Mareykanka ayaa dhankooda xaqiijiyay inay xireen 35 qof oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka tirsan aqalka Congress-ka. “Bannaanbaxayaashu waxay billaabeen inay xannibaan waddada First Street, NE. Waa sharci-darro in la xannibo gaadiidka, markaa askartu waxay bixiyeen saddex digniinood ka hor inta aysan billaabin inay xiraan,” waxaa sidaasi ku soo qoray Twitter-ka Booliiska.

 

Mudaaharaadku wuxuu daba socdaa go’aan ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka oo soo afjaray xuquuqda ilmo iska soo rididda ee dalka oo dhan.

Taageerayaasha u doodaya xuquuqda ilmo iska soo rididda iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa mudaaharaad ka dhigayay meel u dhow Maxkamadda Sare tan iyo markii ay maxkamaddu go’aamisay bil ka hor in la joojiyo ilmo iska soo rididda. 24 bishii June, 2022, Maxkamadda Sare ee Mareykanka waxay baabi’isay xuquuqaha ilmo soo rididda iyadoo meesha ka saartay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee la siiyay haweenka sanaddii 1973 taasi oo la yaqaano Roe vs Wade.

Maxkamadda, ayaa xukmisay inuusan jirin xaq dastuuri ah oo ilmo iska soo tuurid ah, iyadoo laashay xukunkii ahaa in go’aanka ilmo iska soo rididda uu la yaallo gobollada. Malaayiin haween ah ayaana haatan la filayaa inaan loo oggolaan inay ilmaha iska soo ridaan.

Go’aankii ay bishii hore gaartay maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka ayaa sii kordhiyay dooda kala qeybsanaanta dhaqanka ee ka jirta Mareykanka, iyadoo dood hor leh ay ka abuurtay arrinta ilmo iska soo rididda ee tobnaanka sano dagaalka lagula jiray.

Dadka ka soo horjeeda ilmo iska soo xaaqidda ayaa haatan ku guuleystay wax sanadihii hore aan suurtogal ahaan jirin.

Waxay rumeysan yihiin in nolosha kumannaan carruur ah ay badbaadi doonto.

Halka dadka taageersanna ay aaminsan yihiin in xuquuqda haweenka dib loo riday 50 sano.

Xilli haweenku ay u dhiman jireen sababo la xiriira ilmo iska soo ridid si qarsoodi ah loo sameeyay. Ra’yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa soo jeedineysa in ilaaa saddex meelood meel dadka Mareykanka.

BBC SOMALI

 

Related Articles

News In English

Fikradaha