Maxey kawada hadleyn guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Safiirka Talyaaniga ?

|

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in labada wadan ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaiya.

Related Articles

News In English

Fikradaha