Guddiga baarista ee Ruushka ayaa sheegay in wasiirkii hore ee gaadiidka Ruushka Roman Starovoit la helay meydkiisa, isagoo u muuqda inuu isdilay.
Waxaa goor sii horeysay oo isniin ah xilka ka qaaday madaxweyne Vladimir Putin. Ma jirto wax loo sababeeyay xil ka qaadista Starovoit, waxaana lagu dhawaaqay wasiir ku xigeenka gaadiidka Andrei Nikitin inuu bedelay wax yar ka dib.
Guddiga baarista ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen sida ay wax u dhaceen. Starovoit waxaa loo magacaabay wasiirka gaadiidka May 2024.
Intaa ka hor, Starovoit waxa uu guddoomiye ka ahaa gobolka Kursk ku dhawaad lix sano, ilaa May 2024.