Maxkamad xukuntay in Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sanadka soo socda

|

Colorado (ONKOD) Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ayaa xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sanadka soo socda, iyadoo soo xiganeysa qodob ka mid ah dastuurka.

Go’aan taariikhi ah, ayay maxkamaddu ku xukuntay in Mr Trump aanu ahayn musharax u qalma.

Waa markii ugu horeysay ee qaybta 3aad ee wax ka bedelka 14aad ee dastuurka Maraykanka loo isticmaalo in laga reebo musharaxa madaxweyne.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in Mr Trump laga tuuro doorashada ayaa lagu guuldareystay.

Go’aankan ayaa ilaa bisha racfaan laga qaadan karaa ilaa bisha soo socota waxaana la sheegay inuusan quseyn gobolada kale.

Xukunka ayaa kaliya khuseeya doorashada hordhaca ah ee gobolka ee 5-ta Maarso, markaas oo codbixiyayaasha Jamhuuriga ay dooran doonaan musharraxa ay doorbidayaan ee madaxweynaha, in kasta oo ay saameyn ku yeelan karto doorashada guud ee November.

Eedaha loo haysto Trump waxaa ka mid ah doorkii uu ka qaatay qaatay lacag la siiyay xiddig hore oo jili jirtay filimada galmada, taasoo lagu magacaabo Stormy Daniels.

Waxaa lagu eedeeyay in lacagta la siiyay haweeneydaas ka hor doorashadii sanadkii 2016 ka dhacday Mareykanka si ay uga aamusto arrin lagu eedeeyay si aysan u fadeexeyn.

Mr Trump oo 76 jir ah, ayaa ku celceliyay inuusan waxba dambi ah galin, isagoo ku tilmaamay eedeymaha loo haysto ‘faragelin siyaasadeed iyo mid doorasho’.

Balse Trump ayaa beeniyay waxa dhacay, oo la sheegay in ay arrinta dhacday xilli xaaskiisa Melania ay uur ahayd wiilkooda.

Doorashada guud ee madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha November ee sannadka 2024, waxa uuna Donald Trump mar kale doonayaa in kursiga kala wareego ninkii horey xilka ugala wareegay ee Joe Biden.

 

ONKOD/BBC Somalia

 

Related Articles

News In English

Fikradaha