Maxkamad Xukuntay Xijaabka inuu yahay dhaqan, ee aanu la xiriirin Diin

|

Muqdisho (Onkod Radio) Xijaabka sida la soo xigtay Maxkamad taariikhi ah, oo xukuntay Talaadadii, ayaa lagu sheegay xukunkaasi in xijaabku yahay dhaqan, ee aanu la xiriirin Diin.

Saddex xaakim oo fadhigoodu yahay koonfurta gobolka Karnataka, ayaa taageeray mamnuucista xijaabka, ee ay dowladdu kusoo rogtay dugsiyada iyo kulliyadaha, iyaga oo ku sababeeyay in xirashada xijaabka aanay muhiim u aheyn Islaamka.

Xukunka ayaa yimid kadib markii uu soo if baxay dood laga qabo xirashada xijaabka, taasoo maxkamad sare ay gaartay, iyadoo racfaan lid ku ah, xayiraadda la gudbiyay saacado kadib ammarkii Maxkamadda sare.

Balse khuburrada dhanka sharciga iyo culumada, ayaa bilaabay inay miisaamaan, iyadoo isku dayaya iney kala fur furaan waxa uu xukunka uga dhigan yahay waddan dadkiisa kala duwan yihiin, oo ay caan ku yihiin qolo waliba soo bandhigidda caqiiqadadooda.

Xudunta xukunka waxa loogu yeero “imtixaanka lagama maarmaanka ah” – oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo haddii shay lagama maarmaan u tahay diin iyo in kale, taasoo maxkamadaha Hindiya isticmaalkooda ay sii kordhayaan, si ay u xalliyan khilaafaadka la xiriira diimaha

Tani waxay aheyd su’aasha keentay dhageysiga oo saldhig u ah, xukunka, oo ka kooban 129 bog.

Dadka gudbiyay dacwadda, ayaa ahaa koox gabdho Muslimiin ah, oo laga mamnuucay inay ku dhex xirtaan xijaabka fasallada inta ay ku jiraan, gaar ahaan kulliyadaha dowladda ee degmada Udupi ee Karnataka, way mudaaharaadayeen, balse kulliyadda kama aysan tanaasulin mowqifka ay istaagtay, waxayna arrintu markii danbe ku dhamaatay Maxkamad.

Gabdhaha ayaa ku dooday in Mamnuucista aysan aheyn kaliya takoor, balse ay caqabad ku tahay xauquuqda ay u leeyihiin xorriyadda hadalka iyo diinta. Waxay yiraahdeen in diintooda ay fareyso inay Madaxdooda dabooshaan.

Dowladda ayaa arrintaas kahor timid, iyadoo sheegtay in culeyska uu saaran yahay dadka soo codsaday inay caddeeyaan in xijaabku uu yahay dhaqan diimeed oo “muhiim ah”.

Kow iyo toban maalmood Kadib, oo hadallo kulul iyo dib u dhac ku yimid go’aanka, maxkamaddu waxay soo gaba gabeysay in dadkii dacwoonayay “si xun ugu guul dareysteen” inay caddeeyaan muhiimadda xijaabka.

Iyadoo soo xiganeysa maxkamadda aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah, waxay xukuntay in; haddii aan loogu hoggaasamin xijaabka sida loogu tala galay, kuwo aan xiranin xijaabka ayaa noqonaya kuwo dambi ku dhacay, Islaamkuna wuxuu luminayaan sharaftiisa, diintuna waa ay baaba’aysaa.

Sidaa darteed, waxay ku dartay Maxkamadda xukunkeeda, in maamulka gobolka xaq u leeyahay inuu dajiyo darees aanu xijaabku qeyb ka aheyn, waxay meesha ka saartay diidmada ardayda, iyadoo xeerku yahay “xakameyn maangal ah, oo qeeyb ka ah, xuquuqda dastuuriga.

“Wixii aan diin ahaan waajib ahayn, sidaas darteed lagama dhigi karo arrin muhiim ah, oo diina, iyada oo loo maraayo kicin dadweyne ama doodaha xamaasadda leh ee maxkamadaha,” ayaa lagu yiri ammarka.

Laakiin khuburada dastuurka iyo aqoon yahannada sharciga, ayaa sheegaya in tani aysan ahayn su’aalo Yaalla maxkamadda inay go’aan ka gaarto. “Waxaad dhex galeeysaa cilmi aad u ballaaran, oo qareennada iyo garsoorayaashu ay yar tahay aqoonta ay u leeyihiin,” ayay tiri qareen sare oo ka tirsan Maxkamadda sare Rebecce John.

Related Articles

News In English

Fikradaha