Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun ku Ridday

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi ah ku ridday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, oo loo haysto kamid ahaanshiyaha ururka al-shabaab.

Maxamed Cusmaan, ayaa lagu soo eedeyay in uu doonaye in magaalada Muqdisho uu soo geliyo Mota bajaj qarax sidday, taas oo ugu dambeyn qaraxday.

Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha horaantii bishaan June, waxaana muddo ay socotay dhageysiga galdacwadeedkiisa, maxkamadda ay xukun ku ridday maanta oo Axad ah.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah, waxaana la sheegay sidoo kale in uu Spare parts uu jogay uu alshabab ugu kala gudbin jiray qaraxyada caasimadda ay soo geliyaan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysanaha xukunka uu ku dhacay uu ururka alshabaab kaga biiray magaalada Baladweyne, sanadkii 2019-kii

Onkod Radio

Related Articles

News In English

Fikradaha