Maxkamadda CQS oo xukun adag ku ridday askar dusisay muuqaal jirdil xarunta

|

Muqdisho (ONKOD ) Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maany xukuno ku riday Seddax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa muuqaal loo soo dusiyay, kaas oo muujinaya mid ka mid ah Askarta ka tirsan Ciidanka ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka ee loo yaqaan Taraafikada oo xarunta jirdil ugu geesanaya Askari hore oo xarunta shaqo u tagay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) oo la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada ku xukuntay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo warbaahinta la wadaagay xukunkan ayaa yiri, “Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.”

Related Articles

News In English

Fikradaha