Maxkamadda Dambiyada Caalamiga (ICC) oo loo gudbiyay Dacwo ka dhan ah DFS

|

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo hoggaan u ah qareenno dacwad ka gudbiyay Madaxda DFS ayaa sheegay in Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee hoostagta Qaramada Midoobay oo fadhigeedu yahay Magaalada The Hague ee Dalka Netherlands ay u gacan geliyeen 4-kiis oo ka dhan ah Dowladda.

Afar Kiis oo kala ah: Arrinta Ikraan Tahliil oo ah sarkaalad katirsan Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo la waayay 26-kii June 2021 ayaa ugu horreeya gal-dacwadeedka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Kiiska labaad waa Dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo waqtigii doorashada Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen gaar ahaan shacab dibadbax ka dhigay Magaaladaas oo kasoo horjeeday in la xiro Muqtaar Roobow oo musharax ahaa.

Qodobka saddexaad ee dacwadda waa Cunaqabateyntii Dowladda Federaalka ay kusoo rogtay Xarunta KMG ah ee DG Jubbaland kaddib markii ay ka joojisay duullimaadyadii diyaaradaha taasi waxaa ka dhashay dhibaatooyin Bani aadamnimo.

Dacwadda 4-aad ee waa Dhalinyaradii loo qaaday dalka Eretareeya oo la sheegay in ay ka qaybgaleen dagaalka ka dhacay Waqooyiga Itoobiya ee bilawday November 2020-kii, ehelkooda ayaa dalbaday in xogtooda la siiyo.

“Maxkamadda Dabmiyada Caalamiga way naga aqbashay afarta kiis ee kala ah: Ikraan Tahliil, xasuuqii Baydhabo, Cunaqabateynta Jubbaland & Dhalinyaradii Eretareeya loo qaaday oo Mareykanka & Qaramada Midoobay qiran yihiin ay ka qaybgaleen dagaalka ka dhacay Ismaamulka Tigray, Waxaa baaris ku wadnaa Xasuuqii ka dhacay Dhuusamareeb, Bariire iyo kufsi ka dhacay Doolow & Buulo Xaawo” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf oo la hadlay VOA.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax waxa uu sheegay in Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) oo Soomaaliya aanay xubin ka ahayn in ay ka aqbashay dacwadda si ay u baarto una maxkamadeyso dadka ku eedeysan kiisaskaas.

Related Articles

News In English

Fikradaha