Maxkamadda Sare ee Australia: ‘Xukuumaddu dhalashada kalama laaban karto dadka looga shakiyo argagixisada’

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Maxkamada sare ee dalka Australia ayaa laashay awooda dawlada dalkaasi ay u leedahay inay dhalashada Australia ka xayuubiso muwaadiniinta haysta labada dhalasho ee lagu eedeeyo inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada ee caalamiga ah. Maxkamadda sare ayaa soo saartay xukun taageeraya Delil Alexander, oo ah muwaadin haysta dhalashooyinka Turkiga iyo Australia kaas oo haatan ku sugan dalka Syria.

Delil Alexander ayaa sannadkii 2013 wuxuu ka tegey dalka Australia isaga oo qoyskiisa u sheegay inuu aadayo dalka Turkiga si uu halkaas ugu soo guursado, isla markaana uu dib ugu soo laaban doono dalka Australia, hase ahaatee wuxuu u sii dhaafay dalka Syria.

Hay’adaha sirdoonka ee dalka Australia ayaa sheegay in Delil uu ku biiray ururka ISIS. Mar dambe waxaa xabsiga dhigay ciidamada Kurdiyiinta. Sannadkii 2019, maxkamad ku taalla dalka Syria ayaa Delil ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, inkasta oo markaas ka dib ay xukuumadda Syria ay cafis u fidisay, haddana wuxuu weli ku sii jiraa xabsiga.

Qareenka u doodaya oo ku sugan Sydney oo lagu magcaabo Cismaan Samin ayaa u sheegay idaacadda Australian Broadcasting Corporation in dawladda Australia ay ku khaldan tahay in muwaadinkan laga xayuubiyo dhalashadiisa dalkiisa, iyadoo lagu eedaynayo inuu xidhiidh la sameeyey kooxaha xagjirka ah.

Xukunka maxkamadda sare ayaa debcinaya shuruucda ad-adag ee dawladda Australia ay kula dagaalanto dadka qaatay dhalashada dalkaasi ee looga shakiyo inay xidhiidh la sameeyeen ama ku biireen kooxaha argagixisada ee caalamiga ah, waxaana dawladdu ay tallaabadan u qaaddaa si ay shakhsiyaadkaas uga hor istaagto inay dib ugu soo laabtaan dalka Australia.

Go’aankan taariikhiga ah ee ay soo saartay maxkaamadda sare ee dalkaas ayaa garsoorayaashu waxay go’aamiyeen inaanay dawladdu xaq u lahay inay ka xayuubiso muwaadiniinta lagu eedeeyo falalka argagixisanimada.

VOA SOMALI

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...