Maxkamadda sare oo billowday dhageysiga dacwadda kursiga Fahad Yaasiin

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah, u guda gashay dhageysiga dacwadda uu u gudbiyay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, taas oo la xiriirta kursiga loo doortay ee HOP086, kadib markii uu hakiyay guddiga doorashooyinka ee FEIT.

Dooda ayaa goordhow bilaabatay, waxaana haatan socota dhageysiga dooda u dhexeyso labada dhinac, iyada oo la filayo in kadib maxkamaddu ay soo saarto go’aankeeda.

Hoolka ay ka socoto dooda ayaa ah, mid firaaqo ah, waxaana la xadiday dadka ka qeyb-galaya dhageysiga dacwddaan oo ah, mid xasaasi ah, marka laga reebo qareennada difaacaya Fahad, kuwa u doodaya guddiga FIET iyo guddoonka Maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, ayaa soo xiray fadhigga maanta, wuxuuna sheegay inay maxkamaddu dib ka soo saari doonto qaraar ku aadan kursigaasi.

“Maxkamaddu qaraarbay kasoo saari doontaa, Insha Allahu Tacaalaa, haddana maxkamadda waa ay innoo xiran tahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maxkamadda Sare ayaa 10-kii bishaan April, xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyay la taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Related Articles

News In English

Fikradaha