MD Xasan oo Maxaas kula kulmaya Cali JAYTE & Sheekada howlgalada

|

Maxaas (ONKOD) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka ee  gobolka Hiiraan.

Degmada  Maxaas waxaa ku  sugann xubno ay ka  mid yihiin  Wasiirka Batrooka ee Dawladda Federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Xasan Sheekh ayaa dhawrkii todobaad ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu kala socday hawgalka ciidanka ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan ee Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bil ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana halkaas uu ka hoggaaminayay dagaalka Al-Shabaab.

Ammaanka degmada Maxaas ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa lagu xiray gaadiid dagaal, waxaana magaalada ka howlgalaya oo ammaanka sugaya ciidamo cusub oo koofiya gaduud u badan.

Lama oga inta uu Madaxweynuhu sii joogi doono Maxaaas, waxana la filayaa in uu waxgaradka deegaanka kala hadlo sidii loo xoojin lahaa duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabbaab.

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha