Meydad laga soo saaray qabuuraha Iskool Buluusiya oo laga dhoofiyay magaalada Muqdisho

|

Onkod radio (Muqdisho) – Waxaa wali qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho ka socota in dadkii eheladooda halkaasi ku aasnaayeen kala baxaan, kaddib ammarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in halkaasi laga saaro meydadka dadka ku aasan.

Dad badan ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay qabuuraha kala baxay qalfoofta ehelkoodii halkaasi sanadaha badan ku aasnaa, waxa ayna dib ugu aasayeen qabuuro kale oo ammaan ah .

Qoyska hooyo geeriyootay shan sanno kahor oo maanta haraadiga jirkeeda oo laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa loo dhoofiyay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo mar kale la filayo in dib loogu aaso.

Ehelada marxuumad Warsan Xaaji oo shan sanno kahor lagu aasay qabuuraha Iskuul Buluusiya, ayaa sheegay in meydka kala soo baxeen qabuuraha, waxa ayna xuseen in ay u qaadeen halkii ay ku dhalatay oo ay sheegeen in aysan jirin cid meydkeeda kasoo saareysa mar kale.

Dad badan ayaa meydadka ehelkooda haraadiga kasoo haray kala soo baxaya qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoona goobo kale dib ugu aasaya, waxaana ammarkan dowladda kasoo baxay dhaliyay hadal heyn badan iyo carro dhanka bulshada ah.
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si rasmi u shaacisay iney u baahantay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiin oo tagay dhulka Qabuuraha Iskuul Buliisiya ayaa ku baaqay in deg deg qabuuraha laga saaro dadka ku aasan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qabuuraha kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhulka qabuuraha ah uu ahaa dhul ay dowladu leedahay, islamarkaana haatan laga dhigi rabo xarunta taliska ciidamada Badda iyo Xeebaha Soomaaliya.

“Dhulka dowladdu u baahatay waxuu ka soo bilaabanayaa albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Marino Gate illaa isbitaalka Yerdemeli waxaana uu markii horeba ahaa dhul dan guud ah oo ay dowladu leedahay, haatana ay baahi badan u qabto dowladu, waxaana laga dhisi doona takiska ciidanka Badda iyo Xeebaha Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamee Nuur.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa dhankooda warbaahinta u sheegay in qoysaska eheladooda ku aasan yihiin qabuurahaas ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen mudo ku siman 10 cisho.

Culimada halkaas ka hadashay oo ay ka mid ahayeen Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dhankooda sheegay in diiniyan markii ay dhinacyo badan ka eegeen talaabada dowladda ku dalbaneyso dhulkaas qabuuraha in laga saaro meydadka ku aasan ineysan waxba dhimeyn.

Ugu dambeyntii bilowgii bishi May ee sanadkan ayay aheyd markii ay soo ifbaxday in dowladu ay u baahan tahay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya meydadkana laga saarayo, waxaana xilligaas laga saaray qabuuraha meydka Allaha u naxariistee Cabdi Muriidi Ajakis oo ay carruurtiisa meel kale ku aaseen, hase yeeshee xiligaas dowladu way beenisay iney amartay in meydadka laga saaro dhulkaas.

Dhinaca kal Afhayeenkii hore madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa), ayaa beeniyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay qorshaynaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya loo beddelo hotelo ganacsi, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga.

Cabdirashiid Xaashi oo haatan ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga ku tilmaamay mid been abuur ah.

Waxa uu sheegay hadalka wasiirka inuu yahay mid lagu xalaalaysanayo qorshaha hadda socda ee qabuuraha Iskuul Buulisiya ay dowladda kula wareegayso, isagoo sheegay inuu yahay qorshe ganacsi iyo boob ka dhan ah hantida dadweynaha.

“Warkii xalay dowladda kasoo yeeray wuxuu ahaa mid aan runta ku salaysnayn. Waxaa xaqiiq ah in dowladda Xasan Sheikh ay caan ku noqotay, qabyaalad, musuq iyo been abuur,” ayuu yiri duqa.

Cabdirashiid Duqa waxa uu sheegay in dowladdii madaxweyne Farmaajo ay si dhameystiran dhulkii danta guud ugu wareejisay dowladda hadda jirta.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kula xisaabtaam dowladda sababta dhulka guud cid gaar ah loogu wareejinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Related Articles

News In English

Fikradaha