Midowga Yurub oo war culus ka soo saaray kadib wadahadal ay la yeesheen Xasan Sheekh

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa khadka taleefonka kala hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka.

Borrel oo madaxweyne Xasan ugu hambalyeeyey guushiisa iyo soo geba-gebeynta doorashadii Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay inay Soomaaliya la billowdo waa cusub oo wada-shaqeyn ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weydaarsaday xog ku saabsan qorshaha madaxweynaha iyo muhiimadihiisa koowaad ee arrimaha uu wax ka qabanayo.

Borrel ayaa ku celiyey ballan-qaadka Midowga Yurub ee ah inay taageerto Soomaalia, kana saaciddo isbeddelo wanaagsan oo lagu sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayaan hanaanka ay Soomaaliya ula wareegeyso amnigeeda iyo wax ka qabashada xasaradaha bani’aadaminimo ee dalka ka jira.

Arrimaha kale ee ay ka wada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Borrell ayaa waxaa ka mid ah kaalinta dowladda Soomaaliya, QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, iyo baahida loo qabo in dib loo billaabo wada-hadalladii farsamo ee ku aadan amniga Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha