Mira dhali ma noqon doonaa dadaalada la isugu keenayo mucaaradka Puntland & DENI ?

|

Garoowe(ONKOD)Madaxwaynaha  waqtiga uu ka sii dhamaanayo ee Puntland Saciid Cabdullaahi DENI oo ku adkaysanaya , doorasho qof iyo cod ah iyo xubnaha mucaaradka oo diidan oo is biirsaday ayaa xaalad hubinti la’aan ah ku keentay Puntland.

Dadaalo lagu doonayo in lagu dhax dhaxaadiyo dhinacyada is haya ee mucaaradka iyo Saciid Deni ayaa dhawr jeer uu fashil  ku yimid , taasna waxa ay culyska ku kordhisay Puntland.

Qaramada  Midoobay ayaa  hadda isku  doonayaysa in ay dhax dhaxaadiso laabada dhinac  ee isku haya siyaasadda maamul goboleedka Puntland oo gabal dhaclaynaysa.

Qoraal ka soo baxay kooban oo ka soo baxay dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa lagu sheegay in ay Kulan la qaateen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.

“Waxaan magaalada Garowe annagoo ah Dalada Mucaaradka Puntland la qaadanay kulan iyo isxogwareysi wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ms Catriona Laing” ayaa lagu yiri Qoraalka Mucaaridka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa sidoo kale la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay kala hadashay sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon.

Hore  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ku dedaaley in doorashada xisbiyada la qabto taas oo ahayd dastuuri muddo dheer la sugaayey.

Laaakiin  hadalkan waxa ka biyo diiday , xubnaha mucaaradka kuwaas oo u arka talaabo qar iska tuurnima oo lagu kala dhantaalayo hanaanka  dowladnimo ee sanado  badan lagu canamaalayay.

Related Articles

News In English

Fikradaha