Mooshin kale oo ka kar- karaya magaalada Nairobi ee dalka KENYA

|

Nairobi (ONKOD ) Wararka aan ka helayno magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay isku aruursanayaan xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka arintan ayaa salka ku haysa mooshin la sheegay in ay wadaan mudanayaal ka tirsan Golaha shacabka kuwaas oo aad u diidan hanaanka ay hada wax u wado xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya.

Warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in mudanayaashan dhawaan dalka dibad ugu soo laaban doonaan si ay u karkariyaan mooshinka oo aad loo hadal hayo maalmahanba.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa inoo sheegay in ay isku diyaarinayaan sidii mooshin loogu keeni lahaa xukuumadda Soomaaliya oo ay u arkaan in ay tahay fadhiid wax badan ka qaban waxyaabihii loo igmaday.

Mudanayaal kale oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegay in xooga ay saari doonaan sidii uu – umari dhali lahaa mooshinkan

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayso in ay ka hortagto , mooshinadan ka kala karkaraya Muqdisho iyo Nairobi oo ay xildhibaanada ku kala sugan yihiin.

25-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadajirka ah ee Barlamaanka Soomaaliya kaas oo uu furi doono Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha