Mukhalas tahriibinayay gabdho oo lagu qabtay magaalada Kismaayo

|

Taliska Ciidamada Booliska qeybta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane mukhalas ahaa iyo afar Dumar ah oo uu doonayay inuu ka tahriibiyo magaalada Kismaayo, si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Saraakiisha Booliska waxa ay sheegeen in marka uu dhammaado baaritaanka eedeysanaha uu wajihi doono caddaaladda, si maxkamadda awoodda u leh go’aan uga gaarto.

Ma aha markii koowaad ee Booliska Jubbaland, gaar ahaana Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ay gacanta ku soo dhigaan tahriibayaal, waxaana xusid mudan guud ahaan Soomaaliya ay Jubbaland kamid ah meelaha ay ku yaryihihiin isku dayada la xiriira tahriibka.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha