Munaasabadda dhaarinta xildhibaannada oo ka socota Afisyooni

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Waxaa goordhow si rasmi ah teendhada Afisyooni uga bilaabatay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal, taas oo muddo dheer soo jiitameysay, kadib khilaafaad ka dhashay hannaanka doorashada.

Ugu horreyn waxaa la yeeriyey magacyada xildhibaanada, iyada oo kadib la guda-galay dhaarinta xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Dhaarinta ayaa si wanaagsan ku socota, iyada oo koox koox loogu yeerayo xildhibaanada cusub, waxaana dhaarinaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ah mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doonaan madasha.

Munaasabaddan ayaa muhiim u ah dhammeystirka doorashada, waxaana qayb ka ah xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed, kadib xal laga gaaray khilaafkii taagnaa.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa hortaalla shaqo adag, waxaana ugu horreysa doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha.

Related Articles

News In English

Fikradaha