Muqdisho dad baa lagu afduubanayaa dharaar cad- Booliska ayaa sheegay

|

Muqdisho (ONKOD) Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay socdaan baaritaan ku saabsan shaqsiyaad loo haysto  ku lug lahaanshaha afduub ka dhacay magaalada Muqdisho.

Howlgal ciidanka ay sameeyeen ayay ku soo qabteen shaqsiyaadka ay ku tilmaameen in ay fuliyeen fal aduub ah.

Waxa uu sheegay Taliska in ay ku socdaan shaqsiyaadkan gacanta ay ku hayaan baaritaan dheeraad ah  oo la xiriira falka afduubka ah ay ku kaceen.

Qoraalka ka soo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gbolka Banaadir aayaa u qorna Sidaan :

Taariiqdu markay aheyd 29/6/2023 abaaro 10:10pm ayaa ciidanka booliiska qeybta guud ee gobolka banaadir gaar ahaan qeybta galbeed ee saldhiga boliiska dayniile howgal ay fullinayeen ayaa waxa ay ku soo qabteen afar eedeysane afduub ku u geystay muwaadin  waxaana la marsiin donnaa caddaalada.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha