MUQDISHO : Gaari sida qudaar oo ku qarxay bar ciidanka DF ay ku leeyihiin Dayniile

|

Muqdisho (ONKOD ) Wararka aan ka helayno degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas  goordhaw uu ka dhacay qarax kaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka mid ah caasimadda.

Gaariga ayaa la sheegayaa in ay saarnayeen , khudaar , waxaana hakiyay askar ka tirsan Dowladda kuwaas oo bar kantarool  ku leh degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari, waxaana wararka hordhaca ah aan heleyno sheegayaan in uu ku qarxay goob ay ciidamada ammaanka ku celiyeen gaariga.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray oo baaritaanno kawaa ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida.

Related Articles

News In English

Fikradaha