MUQDISHO : Maandooriye & dadkii ka ganacsayay oo la soo bandhigay

|

Muqdisho (ONKOD ) Taliska Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigey 10 xubnood oo  ka mid ahaa Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ayaa sheegay in 10-ka Xubnood ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen  Jabhadaha  weerarada geysta, iyaga oo kasoo howlgalay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada dhexe ,Mudug iyo Hiiraan.

Qaar kamid ah 10-ka Xubnood ee ka tirsan Al-Shabaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab ay tahay dhibaato ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay usoo dulqaadan waayeen howlgallada ballaaran ay dowladda Sooamaliya ka wado guud ahaan Dalka oo meelo badan ay kula wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha