MUQDISHO : Madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya iyo Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay

|

Muqdisho (ONKOD ) Saakay salaadii subax tiro hoobiyaal  ah lagu garaacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee kutaalla Muqdisho, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka magaalada Muqdisho oo badi hurdayay, halka kuwa kalana ku guda jireen dukashada salaada subax ayaa mar qura la maqlay dhawaqa tiro madaafiic ah.

Khasaare isugu  jira dhimasho & dhaawac ayaa ka dhashay hoobiyaashan saaka lagu garacaay magaalada Muqdisho , si gaar ah jihada Madaxtooyada Soomaaliya.

Inta la ogyahay waxaa ku  dhintay  dad isku qoys ah waa Aabe iyo Gabadh uu dhalay, halka ay dhaawacmeen Hooyada Qoyska & labo Carruur oo isla qoyskaas ah .

Aabaha qoyskaan dhibaatadu gaartay waxa ay wararku sheegayaan in uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo si weyn looga garanayo xaafaddaas uu ku naf waayay, waxaana magaciisa lagu soo koobay Macalin Aweys.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka weli ma bixin faah-faahin la xiriirta Hoobiyaha  lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka ku weerarta madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ka agdhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha