Muqdisho oo laga shiday shumicii Wacyigelinta xuquuqda Aadanaha ee Ololaha Baraarug

|

Muqdisho –  10 Disember oo ah maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay  maamuusidda xuquuqda Aadanaha ayaa noqotay maalintii  laga shiday magaalada Muqdisho Shumicii wacyigelinta Ololaha Baraarug, taasoo hotelka Peace ee magaalada Muqdisho ay isugu yimideen difaacayaasha xuquuqda aadanaha, masuuliyiin ka socotay dowladda, hogaamiyayaal dhaqameed, fanaaniin iyo masuuliyiin kale si ay uga qeyb galaan si ay si wadajir ah goobjoog uga noqdaan munaasabadda daahfurka Ololaha Baraarug.

Munaasabadda waxaa lagu daahfuray gabay ay soo jeedisay abwaanad da’ yar oo lagu magacaabo Fartun Ahmed Mohamed, qaar ka mid ah gabaygeeda ayaa ahaa:

“Adduun lagu go’eynoo, caruur lagu gumaadeynin

Adduun leysku gefeynoo, leys garabsanaayo

Adduun labo go’ oo cad, geedo laga taagay

Adduun leys gaasireynoo, sharafta loo gaamo,

Adduun runta lagu guuxo, oo afka leys goynin,

Adduun gayaanada is doortaa aan la kala geynin,

Adduun gabdhuhu siyaasadda galeen, iyo miiska talo goynta,

Adduun leys gargaaroo, gaajo leysku eegan,

Adduun godobaha illaaboo, garasho buux dhaafa…..

Adduun galadaha ilaahey, gooni la isku siinin

Adduunkii garwaaqsado, inay gelinba ceyn joogto….

Gabayga Fartun ayaa waxaa uu halmar qiiro geliyay ka qeygalayaasha munaasabadda oo uu ka mid ahaa odey dhaqameed ka soo jeedo beesha Yibro oo lagu magacaabo Maxamuud Muuse.  Yibruhu waxa ay ka mid ah beelaha aadka loo takooro.

Sawirka Abwaanad Fartuun.

Odey Maxamuud ayaa isagoo ilmeynaya yiri, “Waxaan maanta eedda dusha ka saarayaa warbaahinta iyo wadaaddada diinta oo aan wacyigelin ku filan ka sameynin aayaheena.”

Odey Maxamuud oo jareynayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Ummad dhan ayaa la xaqiray xuquuqdooda iyo jiritaankooda, waana dhaawac ma hadho ah” isagoona ugu baaqay  warbaahinta inay doorkooda arrinkan ku saabsan labo jibbaaraan.” Isagoona ku soo gebagebeeyay hadalkiisa, “Warbaahintu ha iga raali ahaato haddii aan idin canaantay”

Yibruhu waa qowmiyad xirfadley ah oo sameeya alaabo lagama maarmaan u ah bulshooyinka Soomaaliyeed.  Inkastoo ay bulshada wax ku soo kordhiyeen, haddana mar walba waa la takooraa, taasoo keentay in qabaa’ilada kale ay u doodaan guurka.  Takoorkan oo keenay fowdo ay ku waayeen dhulkoodii.

Munaasabadda oo daarneed daahurka Ololaha Baraarug, hal abuurkeedana lahayd ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS si loo iftiimiyo caqabadaha ku hor gudban xuquuqda aadanaha iyo sidii loo hormarin lahaa barnaamijyo loo dhan yahay.    Ujeedka ololaha ayaa ah in uu cod siiyo qowmiyadaha la heyb sooco, ulana dagaalamo midab takoorka, heyb sooca iyo una abuuro is dhexgal bulsho.

General Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag),  Wasiirka Amniga gudaha ayaa u riyaaqay hal-abuurka Ololaha Baraarug.

Sawirka Wasiirka Amniga Gudaha Gen. Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag

“Xuquuqda Aadanaha waxa ay si qoto dheer ugu jiraan dhaqankeena Soomaaliga ah iyo diinteena Islaamka.  Xitaa xilliyada colaadaha qabaa’ilka ay jiraan, waan xurmeynaa Birimageydada.  Ololahan waa baraarujin lagu difaacayo qiyamkaas, loogana hortegaayo  xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, suxufiyiinta iyo qowmiyadaha la heybsooco.”  Sidaa waxaa madasha ka sheegay Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Gen,. Abdullaahi Sheikh Ismail (Fartaag).

Wax ka qabashada Caqabadaha soo jireenka ah

Masuuliyiintii munaasabadda ka hadashay waxa ay iftiimiyeen xaaladda xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.  Diini Mohamed Diini oo ah guddooyihii hore ee SOCENSA waxa uu dhaliilay dib u dhigista kaabayaasha ilaaliya dastuurka sida Guddiga Madaxa Banaan ee Garsoorka, Guddiga madaxa banaan ee Xuquuqda Adanaha iyo maxkamadda Dastuuriga

Diini ayaa sheegay in illaa sanadkii 2012 la hortaagnaa aas-aasidda hay’adaha ilaaliya xuquuqaadka aas-aasiga ah ee muwaadinka, iyadoo hay’adahan aan la sameynin, dulmigu wuu sii socon doonaa.

Haweenka iyo dhallinyarada oo ah dadka ugu Soomaaliya ayaa waxaa si saameyn lixaad leh ku yeeshay dhaqamada waxyeelada ah, taasoo keentay inay dayacmaan.    Duniya Maxamed Cali, Guddoomiyaha Xarunta Waxbarasharada Haweenka ayaa dul istaagtay dhaqamada dib u dhigaya haweenka.

Duniya ayaa tiri, “Waxaa jirta maahmaah Af-Maay ah oo oranaya haweeneyda 50-jirka waan in loola dhaqmaa sida dameerkii oo kale, si ay u hogaansanaato.”  Dhaqamadaan oo kale waxa ay hoos u dhigayaan qiyamka haweenka, waxa ay cuuryaaminayaan rajadooda ah ka qeygalka arrimaha siyaasadda.  Waa in aan ka hortagnaa dhaqamadan iyadoo la adeegsanayo aqoonta iyo kor u qaadida tayada haweenka.

Xoghayaha Guud ee ururka SJS Abdalle Ahmed Mumin, Secretary ayaa suxufigan u sheegay in Ololaha Baraarug uu yahay dadaal wadajireed oo ka wada shaqeynayaan ururada bulshada.

Xoghayaha Guud ee SJS Mudane Cabdalle ayaa sheegay in difaacidda Xuquuqda aadanaha ay tahay waajib, muhimna u tahay horumarka.  Soomaali walba wuxuu xaq u leeyahay sharaf, sinaan iyo xorriyad.  Ololahan ayaan ugu qareemi doonaa bulshooyinkka la takooro oo codkoodu meel dheer uusan gaarin, si aan u xaqiijino in caddaaladdu noqotay aas-aaska msutaqbalka Soomaaliya.

Haweenka iyo Dhallinyaraeda oo ah dadka ugu badan Soomaaliya ayaan weli si sax u helin xuquuqahoodii aas-aasiga ahaa

Iyadoo loo hogaansamaayo siyaasadda xuquuqda aadanaha ee dowladda Dutch-ka, ololahan waxa uu diiradda saaraya ololaha bulshada, xorriyadda hadalka iyo sinaanta haweenku ula sinaadaan ragga wax walba oo mansab iyo maamuus ah.  Ololaha waxaa lagu soo bandhigi doonaa suugaan iyo barnaamijyo kale lagu baraayo haweenka iyo dhallinyarada xuquuqaadkooda aas-aasiga ah, iyadoo taageero caalami ah loo raadinayo.

Ololaha Baraarug waxa uu ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed inay u istaagaan cadaaladda iyo sinnaanta.  Sidoo kale in lala xisaabtamo hogaamiyayaasha, looga hortago xadgudubyada xuquuqda aadanaha, iyadoo la awood siinaayo kooxaha codkooda meel sare uusan gaari karin. Ololaha waxa uu hiigsanayaa mustaqbal Soomaaliyeed oo ifaya, degenaansho iyo nabad iyo wadjir.   Soomaaliya waa meesha halka cod walba uu mudan yahay in la dhegeysto.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha