Muqdisho oo markii ugu horreysay si toos ah ugu xirantay qaaradda Yurub

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa soo afjartay duulimaadkeedii Istanbul-Jabuuti-Muqdisho ayada oo ku beddeshay laba duulimaad oo kala duwan oo kala ah; Istanbul-Muqdisho iyo Istanbul-Jabuuti.

Adeeggan oo dhowr toddobaad u socday si tijaabo ah, ayey Turkish Airlines sheegtay inuu hadda kadib yahay rasmi illaa amar dambe, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda si toos ah ugu xiran tahay Yurub, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano.

Garoonka Istanbul Airport ayaa ku yaalla dhinaca Yurub ee marinka Bosporus, wuxuuna sanadkii tegay ahaa garoonka labaad ee ugu mashquulka badan ee ay maraan safrayaasha caalamiga ah, kadib garoonka Dubai oo kow ku jiray.

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billowday Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay.

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin toddobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012.

Duulimaadkaas ayaa soo socday illaa dhammaadkii March 2022, markaas oo kadib si ku-meel gaar ah loo joojiyey.

Hadda waxay Turkish Airlines ay si toos ah isaga kala goosheysaa Istanbul iyo Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa ku dhowaad saacad dheeri ku aheyd safarka, oo lagu hakan jiray Jabuuti.

Xog laga helay shirkadda ayaa muujineysa in 49,000 oo qof ay isaga kala goosheen labada magaalo sanadii 2019. Dadkaas ayaa badankood ka yimaada Yurub, gaar ahaan UK, Sweden, Finland iyo Norway.

 

Tobanka garoon diyaaradeed ee ugu badan ee ay soo maraan dadka yimaada Istanbul ee ku socda Muqdisho ayaa kala ah.

 

1- London Heathrow

2- Stockholm Arlanda

3- Ankara

4- Gothenburg

5- Helsinki

6- Oslo

7- Amsterdam

8- Copenhagen

9- Birmingham

10- London Gatwick

Dadka Turkish Airlines u raaca Muqdisho ee ka yimaada Mareykanka iyo Canada ayaan sidaas u badneyn sababo la xiriira jadwalka duulimaadka.

 

Duulimaad faa’iido badan

 

Agaasimaha Turkish Airlines ee Muqdisho ayaa 2017-kii sheegay in duulimaadka Muqdisho iyo Istanbul “uu yahay mid ka mid ah kuwooda ugu faa’iidada badan.”

Muddo sannado ah, Turkish Airlines waxay aheyd diyaaradda kaliya ee caalami ah ee tagta Muqdisho, taasi oo u suurta-gelisay inay shacabka saarto qiimo aad u badan marka loo eego duulimaadyadeeda kale, maadaama aysan shacabka haysan ikhtiyaar kale.

Tusaale, qiimaha duulimaadka Istanbul-Muqdisho wuxuu laba mar ka badnaa kan Istanbul-Nairobi inkasta uu saacado gaaban yahay kan Muqdisho, maadaama marka laga yimaado Istanbul ay Muqdisho ka dhowdahay Nairobi.

Hadda oo ay Muqdisho tagaan diyaarado kale oo caalami ah sida Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines, qiimaha ayaa hoos usoo dhacay.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...