MUQDISHO : Sarkaal Dowladda ka tirsan oo gurigiisa weerar lagu qaaday

|

Muqdisho (ONKOD) Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la weeraray guri uu ka deganaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in weerarkan loo adeegsaday qaraxyo waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray ilaalada guriga sarkaalkan.

Weerarka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas oo baaritaan ku sameeyay halka weerarka uu ka dhacay ee guriga sarkaalka.

Laamaha amniga ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan weerarkan ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa weeraro kale ay ka dhaceen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim halkaas oo laga maqlayay jugta qaraxyo

Related Articles

News In English

Fikradaha