Muran hareeyay kursiga xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray golaha shacabka

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Qaar ka mid ah, xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay muranka hareeyay kursiga uu ku fadhiyo Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaddib markii uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya, u magacaabay ergeyga u qaabilsan dhanka bani’aadannimada.

Xildhibaannadan ayaa si weyn uga dooday arrinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in xildhibaanka uu waayayo xubinnimadiisa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, haddii uu qabto xil aan aheyn Wasiir.

“Dabcan Dastuurka, sida uu sheegayo qodobka aad sheegtay ee 59-aad wuxuu qaban karaa xildhibaanku xil wasiir kaliya, wixii intaas kasoo harana wuxuu ku waayayaa xubinnimadiisiii,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Seynab Caamir, oo sidoo kale ka mid ah, baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa iyaduna ka hadashay muranka hareeyay kursiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna si guud u sheegtay in xildhibaanka, haddii uu qabto xil aan aheyn wasiir uu waaynayo xubnnimadiisa.

“Xildhibaanka Soomaaliyeed, ee ay shacabka soo doorteen wuxuu xilkiisa ku heyn karaa, haddii uu noqdo wasiir oo xildhibaan iyo wasiir ayuu isku noqonayaa, laakiin marka meel kale loo doorto ama agaasime haloo doorto ama safiir haloo doorto xilkiisii wuu waayay kaas, waa inuu booska banneeyaa,” ayay tiri xildhibaan Seynab Caamir.

Xildhibaan kale oo ka tirsan golaha oo isna soo hadal qaaday dooda taagan ayaa sheegay in ambassador iyo ergey ay yihiin arrin gooni ah, balse loo baahan yahay in dib loo eego arrintan, si la isku waafajiyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah iyo magacaabistaan.

“Runtii ambassador, iyo ergey, waxaan isleenahay waa arrin ka gooniya aanan ka mid aheyn xilalka sida tooska ah, loogu magacaabay meesha inuu qofka ka mid noqoneynin, laakiin waa qodob gooniya oo hoos loogu fiiriyo mudan,”.

Si kastaba, hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay magacaabista siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo hadda ah, ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo gurmadka abaaraha, waxaana dadka qaar ay shaaciyeen inuu xilkiisa waayayo, iyaga oo soo xiganayo qodobka 59-aad ee Dasrtuurka Soomalaiya, halka kuwa kale ay ku doodeen inuu isku heyn karo labada xil, maadaama ergey sidiisaba uu yahay qof wakiil ah, isla-markaana uusan qayb ka aheyn arrimaha maamulka dowladda.

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...