Muranka ka dhaxeeya dalalka ku bahoobay ururka Bariga Afrika (EAC)

|

Nairobi  (ONKOD) Bilawga EAC waxa ay ka soo bilaabantay aasaaskii Midowga Kastamka ee u dhexeeya Kenya iyo Uganda 1917, iyo Tanganyika ee 1927. Haddaba, tani waxay muujinaysaa in ay asal ahaan ka soo jeedo gumaysi maadaama dalalkan midkoodna aanu xor ahayn wakhtigaas. Ka dib xidhiidhkani waxa uu u koray komishanka sare ee Afrikada bari ka dibna waxa uu gaadhay bulshada laga soo bilaabo dabayaaqadii 1940-aadkii ilaa dabayaaqadii 1970 aadkii. ( East African High CommissionCommunity 1940s to  1970s ).

EAC  Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000.

 Muranka caanaha;

Waa mid ka mid ah khilaafyada aan dhammaadka lahayn ee ka dhex jira dalalka ku bahoobay ururka Bariga Afrika (EAC). Kenya ayaa marar badan ku eedaysay Uganda in ay suuqeeda ku soo fatahday caano jaban  (cheap milk imports)  oo ay la soo degto taasoo lid ku ah hab-dhaqannada ganacsiga ee caddaaladda ah.( fair trade practices)

Sannadkan,2023 Kenya ayaa xayiraad ku soo rogtay caanaha laga keeno Uganda inkasta  taas oo lid ku ah hab-dhaqannada ganacsiga ee caddaaladda ah.( fair trade practices) arrintaan wali dhibkeeda wuu taagan yahay. Bishii Juun 2023, Brookside Uganda waxay guriyahooda u dirtay ugu yaraan 200 oo shaqaale ah oo  Kenyan ah, sababo la xiriira xannibaadaha dhoofinta ee ay Kenya soo rogtay.

Muranka sonkorta;

Kenya waxay in badan ku eedaysay Uganda inay dib u badeshay sonkorta dibadda laga keeno iyo dhoofinta si ka soo horjeeda xeerarka ganacsiga EAC. Si kastaba ha ahaatee, Uganda ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, waxayna ku adkeysatay in sokorkeedu ay 100% ka yihiin sonkorta gudaha Uganda laga soosaaray.

Sannadkii 2021-kii ayaa Kenya 79% ka jartay sokorta uga iman jirtay Uganda, taasoo sii kordhisay muranka ganacsi ee labada dal. Murankaan weli wuu taagan yahay  taas oo lid ku ah hab-dhaqannada ganacsiga ee caddaaladda ah.( fair trade practices)

Muranka hilibka;

Dagaal ganacsi oo ku saabsan Hilibka laga soo dhoofiyo Kenya iyo Uganda ayaa sidoo kale socda. Horraantii Sebtembar, degmada Busia ee Galbeedka Kenya ayaa mamnuucday hilibka laga keeno Uganda sababo la xiriira khataraha nadaafadda iyo khatarta ay ku leedahay ganacsiga , hilibkaas laga keenay Uganda wuxuu laba jeer ka raqiisanaa kuwa lagu iibiyo kenya gudaheed . murankaas weli wuu taagan yahay.

Dadka gobolkaas kenya waxay iska diideen  hilibka lo’da, ariga iyo  oo raqiis ah oo laga keeno dalka Uganda iyagoo ku tilmaamay kuwa wasaqeysan.

Muranka Ukun jaban;

Sannadkii 2012-kii, madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa mamnuucay in ukunta laga keeno Uganda ka dib markii beeralayda maxalliga ah ay ku eedeeyeen dillaaliin aan damiir lahayn inay ku soo qulqulayaan suuqayada kenya.

John Njogu, oo ka mid ah beeralayda digaaga ee Kiambu, ee waqooyiga Nairobi, ayaa ka mid ahaa dadka cabashada sameeyay ganacsigoodu aad buu ugu xumaa ka dib markii ukun ka yimid Uganda ay soo buux dhaafiyeen kowntiga Kiambu. Murunkaas weli wuu taagan yahay taas oo lid ku ah hab-dhaqannada ganacsiga ee caddaaladda ah.( fair trade practices).

Xubinnimada is dulsaaran;

Waddamada Bariga Afrika waxay ka tirsan yihiin in ka badan hal urur-goboleed, kuwaas oo caqabad ku ah iskaashiga iyo isku-duubnida  iyo hormarka ururkaan EAC.

Tansaaniya, tusaale ahaan, waxaa lagu eedeeyay in aanay ka go’nayn EAC oo ay aad ugu janjeerto 16-ka xubnood ee Bulshada Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC).

Dhaqdhaqaaqa bilaashka ah ee alaabta iyo adeegyada (Free movement of goods and services)

In kasta oo qodobka 16-aad ee hab-maamuuska suuqa guud uu dhiirrigeliyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee badeecadaha iyo adeegyada, haddana dalalka xubnaha ka ah dalalka ku bahoobay ururka Bariga Afrika (EAC) waxay si joogto ah ugu soo rogeen caqabado aan ganacsi ahayn midba midka kale alaabtiisa iyo adeegyadiisa.

Caqabadaha kaabayaasha muuqda;

Waxaa liita  Kaabayaasha  tayada, dayactirka  waddooyinka iyo isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo adeegyada dal ilaa dal kale.

Waddooyinka iyo shabakadaha tareenada ee isku xidha wadamada ay ka midka yihiin qaarkooda ayaa ah kuwo xaaladdoodu liidato. “Tusaale u soo qaad Uganda. Waxa ka maqan xidhiidh tareen oo isku xidha Tanzania, Burundi, Rwanda, DRC, Sudan iyo Somaliya. Waxaa  kordhay  qiimaha wax kala iibsiga iyo fursadaha ganacsi ee ka jira dalalka ku bahoobay ururka Bariga Afrika (EAC)

Degenaansho la’aan;

dalalka ku bahoobay ururka Bariga Afrika (EAC) waxay ka jira dhibaatooyin degenaansho la’aan ah si ay wax uga qabtaan, tusaale ahaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxa ka jira  xasillooni darro siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn.

South Sudan ayaa sidoo kale wajahaysa dhibaatooyin la mid ah iyadoo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda isbaheysiga ah.

Muranka Caqabadaha xiriirka siyaasadeed;

In kasta oo xiriirka siyaasadeed uu weli yahay yoolka kama dambaysta ah ee is-dhexgalka gobolka ee EAC, ka dib Midowga Kastam, Suuqa Guud iyo mideynta Lacagta, waddamada xubnaha ka ah ayaan weli  wax ka qaban.

Muranka Somaliya iy kenya,;

Go’aanka Soomaaliya ay ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika iyadoo uu weli socdo muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya ayaa keenaya dhibaatooyin ka dhalan kara, maadaama Kenya laga yaabo inay sahamiso dariiqo kale oo sharci ah oo dhexmara maxkamadaha gobolka, dibna loogu laabto xukunkii maxkamada caalamiga ahaa.

Waxaa kaloo jira muran dhanka isu socodka ah, jaadka, ganacsiga, dabriga kenya ay dhistay,, ukumaha dhacay ee Uganda soo saarto, caanaha iyo hilibka wasaqeysan  eel aga keeno ugnada oo ururkaan wax ka qaban waayey

Lasoco qeybta labaad.

Isak Abdullahi

Related Articles

News In English

Fikradaha