Musharrax labaad oo ka haray tartanka, sheegayna inuu u tanaasulay’ CC Shakuur

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Musharaxii labaad oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu “u tanaasulay” musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna ka mahad-celiyey “tanaasulka” uu u sameeyey Cabdinaasir.

“Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey Dr C/naasir C/lle oo caawa ii tanaasulay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa odayaasha, ganacsatada, siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo dhalinyarada ka mira dhaliyey guushan wayn. Waa bog cusub oo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho u furmay. Waxaan rajaynayaa in ay guul taariikhii soo hoyn doonto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Habeen hore ayaa waxaa sidan oo kale tartanka uga haray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo isna sheegay inuu “u tanaasulay” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Inkasta oo labada musharax ee ka haray tartanka ay sheegeen inay tanaasul sameeyeen, haddana waa erey u muuqda mid aan ku habooneyn tallaabada ay qaadeen, sababtoo ah ma jiro tartan toos ah oo kala dhaxeeya hal musharax, mana la gaarin xilligi doorashada oo ay tanaasuli karaan.

Ma cadda haddii haritaanka Guuleed iyo Cabdinaasir ay wax badan u tari karto Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo aan ka mid aheyn musharaxiinat ugu cadcad, oo la rumeysan yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre.

Sida ay fahansan tahay Onkod Radio, isbaheysiga Guuleed, Cabdinaasir iyo Cabdiraxmaan ayaan waxaa inta badan qeyb ka aheyn xildhibaanada beesha Habargidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

Musharax labaad oo ka haray tartanka, sheegayna inuu ‘u tanaasulay’ CC Shakuur

Related Articles

News In English

Getachew: Ethiopia lying, thousands of Eritrean troops are still in Tigray region.

Ethiopia (Onkod Radio) - TPLF - spokesman Getachew Reda - then Ethiopian Goverment Communication Affairs Offce Minister addressess a new conference on violent protests...

The ministry of planing asks the foreign organization implementing project in Somalia

The ministry of planing asks the foreign organization implementing project in #Somalia. To fully move their offices to the country from (30 january 2023 to...

Blast kills 34, wounds 150 at mosque in Pakistan

Peshawar (Onkod Radio) – A massive explosion ripped through a mosque in northwest Pakistan on Monday, killing at least 34 people and injuring over 150...

Somalia wil suspend local and international to/ from Mogadisho

Muqdisho (Onkod Radio)– Somalia wil suspend local and international to/ from Mogadisho for 2 days (Tuesday, wednesday) as defense minister of AU mission troop-contributing...

AU delegation urges more action to mitigate humanitarian situation in Somalia

Mogadishu – The African Union Permanent Representative Sub-Committee (AUPRC) on Refugees, Returnees, and Internally Displaced Persons (IDPs) led by Ambassador Adenkule J.M. King has...

Fikradaha

Milking the Somali government: the politics of the status quo

A depressingly familiar cycle has become set in Somali politics. Indirect electoral processes take place every four to five years. New faces come to...

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...