Muuse Biixi muxuu ka yiri muranka ka taagan doorashada Somaliland?

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la u warramay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan xasaradaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Biixi ayaa si gaar ah uga hadlay muranka hareeyey doorashada, wuxuuna iska fogeeyey eedeymaha uga imaanaya mucaaradka ee ku aadan inuu diidan yahay doorashada.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in uusan awood u laheyn inuu dib u dhigo doorashada guud ee Somaliland, isla-markaana ay dhaceyso.

“Qolada mucaaradka waxa ay igu yiraahdaan kursiga ayuu sii dheereysanayaa horta awooddaas ma leeyahay? Tan kale ma doonayo neynaas ah waa loo kordhiyay, markii hore har cad ayaan la tartamay haddana kuwa soo bixi doona har cad ayaa la tartamayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa digteetar! Digtaarooriyad oo ah wixii aan rag ka diiday in aan Dad kale ku sameeyo xaashaa-lillaahi igama suurowdo, Walaa Xisbiyada iyo walaalahey kama suuragasho”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadlay qaaday dibad-baxyada isaga ka dhanka ah ee ay abaabulayaan xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sababta ay u diideen ay tahay ilaalinta nabad-gelyada, si looga fogaado isku dhacyo.

Related Articles

News In English

Fikradaha