Muuse Biixi oo hanjabaad adag u jeediyay SSC & Puntland

|

Hargaysa (ONKOD) Madaxwaynaha Somaliland Muuse  Biixi Cabdi ayaa sheegay in  ay wadaan duyaargarow la  xiriira sidii markale  ciidanka maamulkaas ula wareegi lahaayeen  gobolada Sool iyo Sanaag.

Madaxwaynaha Somalilad Muuse Biixi ayaa hanjabaad  u diray SSC-KHAATUMO iyo sidoo kale maamul ka Puntland, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin cadowga Somaliland ku soo duulay.

Lama aqbali karo in taako kamid ah Somaliland lagu soo xadgudbo, isla-markaana ay tallaabo adag ayaa  ka qaadi doona  cid kasta oo soo tallaabta ‘’ ayuu  yiri Muuse Biixi.

Cadowga koowaad ee Somaliland, ayuu sheegay in ay Puntland tahay, isagoo cadeeyey in ay is huran yihiin, oo ay dagaalami doonaan lana arki doono kii guuleysta

“Abaalka waa in laga waraabiyaa lana ogolaanin in ay taako soo gudbaan, waan is huranahay haddii ay dhul naga qaadi karaan iyo in kale” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdo

Xuduudaha Somaliland ayuu sheegay in ay lamid yihiin kuwii uu ka tagey Gumeystihii Afrika, isagoo sheegay in xaduuda Somaliland ay aqoonsan yihiin QM, Midowga Afrika & IGAD.

Related Articles

News In English

Fikradaha