Waxaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay in ka badan 151 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo laga soo daayay xabsiyada Liibiya.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ay wehliyeen madax kale oo dowladda Soomaaliya ka socota ayaa muwaadiniintan dalka lagu soo celiyay ku soo dhoweeyay garoonka Muqdisho.
22 kamid ah dadka laga soo daayay xabsiyada Liibiya ayaa dhanka kale maant laga dejiyay Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.
Liibiya ayaa muddo dheer ahayd dhabbaha geerida tahriibayaasha Afrika oo ay Soomaaliduna ku jirto, waxaana jirta in halkaas ay dhibaatooyin baaxad leh kala kulmaan tahriibayaasha ku sii jeedda qaaradda Yurub.
Hay’adda IOM ayaa dowladda Soomaaliya ka taageertay soo daabulisa muwaadiniintan ku dhibaataysnaa xabsiyada Liibiya.
Isha warka: SONNA