Muxuu Ra’isulwasaare Rooble ka yiri go’aankii kasoo baxay Guudlaawe

|

Muqdisho (Onkod Radio) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Warsaxaafadeed soo saaray wuxuu ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhammeystirka doorashooyinka, isagoo farriin u diray Maamullada HirShabelle & Jubbaland.

Rooble ayaa sidoo kale soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday madaxweyne Guudlaawe, oo xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii SEIT ee maamulkaasi, Axmed Xasan Diini.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Maxamed Xuseen Maxamed, ee la magacaabay, sidoo kalena wuxuu faray guddiyada doorashada inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka ee ay horay u gaareen Golaha Wadatashiga.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed, oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee HirShabelle, kaas oo baddelaaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhammaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaalinayaan kala danbaynta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale Rooble oo Taleefanka kula xiriiray madaxweynaha HirShabelle ayaa kala hadlay Muranka hareeyay doorashada kuraasta Baledweyne, iyo tartanka inuu noqdo mid furan.

“Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladweyne, loogu tartamo si furan isla markaana aan shakhsi gaar ah loo xirin” ayuu sii raaciyay Rooble.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka dalbaday Maamullada Jubbaland iyo HirShabelle, inay dhammeystiraan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS, waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubbaland iyo Hirshabeelle, in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan,” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeed uu soo saaray Rooble.

Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhacday wakhtigii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo, waxaana ay aheyd 15-kii bishaan Maarso ee sannadkan 2022-ka.

Related Articles

News In English

Fikradaha