Muxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ku arkay Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq ?

|

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baqdaad, ee caasimadda dalka Ciraaq.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo howlaha muhiimka ah ee ay safaaraddu u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka waxaa xarunta safaaradda si diirran ugu soo dhoweeyay Siihayaha Safaaradda, Cabdifataax Sheekh Axmed, oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee safaaradda iyo adeegyada ay bixiso.

Wasiir Abdisalaan oo hoggaaminaya wafdi ayaa lagu wadaa inuu magaaladaasi kaga qeybgalo Shirka heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, lana qorsheeyay inuu furmo 17 May.

Related Articles

News In English

Fikradaha