Muxuu xambaarsan yahay safarka MW Xasan Sheekh uu ku tagayo dalka Ciraaq ?

|

Sida xogaha aan heleyno ay sheegayaan  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, halkaasi uu ka furmi doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa sida uu qorshihiisu yahay waxa uu furmi doonaa 17, May  oo ku aadan maalinta sabtiga, waxaana la filaya inay kasoo qeyb galaan dhammaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, oo la filayo inay ka wada hadlaan arrimo kala duwan oo qeyb ka ah xaaladda Gaza.

Geesta kale waxaa magaalada Baqdaad, ku sugan wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, isaga oo halkaasi u tagay ka qeyb galka shirka heer wasiir ee Jaamacadda Carabta, kaasi oo loogu gogol xaarayo shir madaxdeedka  Carbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya ka jeedin doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta meertadiisa 34-aad.

Dowladda Ciraaq, ayaa hadda wada abaabulkeedii ugu dambeeyey ee marti gelinta shirkan, waxaana Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq, uu warbaahinta u sheegay in dowladiisu ay ku howlan tahay sidii ay soo dhoweeyn ballaaran ugu sameeyn laheyd madaxda iyo wufuuda ka qeyb galeysa shirka madaxeedka Jaamacadda Carabta.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha