Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka kooxda Al-shabaab isla markaana laga saaro dagaalka.
Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay raali ka yihiin dowladnimada maadama ay u hureen dhigooda, hadana la gaaray xiligii Al-shabaab dalka laga xureeyn lahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in shalay wado qaldan ay ku soo galaan shabaab shacabka Soomaaliyeed balse hadda la bartay waxa ay yihiin iyo qorshaha ay damacsa yihiin.
“ Haddii aan shalay ku qaldanay in ay dalka yimaadaan oo si un dadka u sireen, maanta waa la bartay waana la yaqaana nama siri karaan, dalkan ma qabsan karaan sifo ay ku qabsadaana uma taalo marka aan iska dhicino”, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay in al-shabaab aysan Muqdisho uga bixin wanaag, balse looga saaray awood maadama ay kari wayeen in ay sii heystaan magaalada Muqdisho.
Waxa uu madaxweynaha ku nuux nuuxsaday in 24 saac ay shabaab ku jiraan gaatin ama dariiq yar oo ay magaalada kasoo galaan, balse ay awoodi la’yihiin sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.