Nabi Muxamed: Al-Qaacida oo markii ugu horreysay ka hadashay aflagaaddada Rasuulka ee Hindiya

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Kooxda Al-Qaacidda ee Koonfurta Aasiya ayaa ku hanjabtay in ay weerari doonto dalka Hindiya, isla markaana ay qaraxyo ka fulin doonto. Waxay sheegtay inay qarxin doonto ama dili doonto cid kasta oo aflagaadeysa Nebi Muxamed (NNKH).

Al-Qaacida ayaa soo saartay hanjabaaddan iyadoo ka jawaabaysa hadallo ka soo yeeray afhayeenkii hore ee xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP), Nupur Sharma iyo sarkaal kale oo sare oo ku saabsan Nebi Muxamed.

                         Qoraalka Al-Qaacidda

Usaama Bin Laadin (bidix) iyo Ayman Al-Al-Zawahiri
Usaama Bin Laadin (bidix) iyo Ayman Al-Al-Zawahiri

Al-Qaacidda ayaa qoraalka hanjabaadda ah ku soo saartay afafka Urduuga iyo Ingiriiska, kaas oo lagu faafiyay internetka. Waxay soo galisay baraha bulshada sida Telegram, RocketChat iyo ChirpWire.

Qoraalka ayaa lagu xusay inay jiraan dad aflagaadeeyay Nebi Muxamed iyo xaaskiisa Caa’isha oo la hadlay mid ka mid ah telefishinnada Hindiya.

Warqadda waxay u qorneyd sidan: “Waan gowrici doonnaa kuwa ku hadla aflagaaddada caynkaas ah, gaar ahaan argagixisada taageersan Hinduuga haya talada Hindiya. Waxaan tusi doonnaa in kuwa “cayda” Nebi Muxammad aan la tusin doonin wax “naxariis ah”. Kuma filna in dadkaas oo kale arrintooda looga dhiidhiyo afka oo keliya, ama laga xumaado, ee waa in si qallafsan looga jawaabaa. Waxaa soo dhowaaday dhammaadka argagixisada ee Mumbai, Delhi, Uttar Pradesh iyo Gujarat. Amni kuma ledi doonaan guryahooda.”

Kooxdani waxa ay isku dayday in ay isu muujiso in ay tahay Muslim ku dhex nool Hindiya iyo ilaaliyaha diinta Islaamka. Waxay aaminsan tahay in arrintan ay ka dhigan tahay “Duullaanka Hindiya” oo ah jiritaanka dagaal ka dhacaya Hindiya oo ay muslimiintu ku guulaysan lahaayeen.

Maxay yihiin hadallada carada dhaliyay ee Nupur Sharma?

Nupur Sharma BJP
Nupur Sharma BJP

Afhayeenkii hore ee BJP Nupur Sharma ayaa sheegay hadal gef ah oo ku saabsan guurka Nebi Muxamed NNKH, cawaaqibkeedana hadda laga dareemayo caalamka oo dhan. Inkastoo Nupur Sharma laga joojiyay howlihii xisbiga BJP, haddana taasi waxba kama beddelin heerka ay gaartay carada sii socota ee ka dhalatay arrinta.

Hadalkani wuxuu ku saabsan yahay guurkii nebiga iyo caqiiddada Islaamka.

 

                  Carada Dunida Muslimka

Hindiya ayaa wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay aflagaaddada Nebi Muxamed (NNKH), taas oo keentay in dalal dhowr ah oo Muslim ah ay ka hadlaan.

Dalalka Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas.

Qadar ayaa sheegtay in ay Hindiya ka rajeyneyso raalligelin dadweyne.

“In la oggolaado in hadallada Islaam nacaybka ah ay sii socdaan ciqaab-la’aan, waxay ka dhigan tahay halis weyn oo ku wajahan ilaalinta xuquuqul-insaanka, waxaana laga yaabaa inay horseeddo nacayb iyo takoor hor leh, taas oo abuuri doonta colaad iyo nacayb hor leh,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar.

Sacuudiga ayaa sidoo kale falkaan ka muujiya caro adag. “Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa cambaareysay hadalladii ka soo yeeray afhayeenka xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee Hindiya, ee lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxayna mar kale xaqiijinaysaa diidmada joogtada ah ee nacaybka ka dhanka ah diinta Islaamka,” ayaa lagu yiri.

Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin “aragtida xagjirka”.

Safiirka India u fadhiya Qadar, Deepak Mittal, ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeraya qaar ka tirsan ‘dadka nacaybka ku xeeldheer’ aysan matalin aragtida dowladda Hindiya. Hoggaamiyeyaasha sare ee BJP iyo safiirrada kale ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalka muranka dhaliyay.

Balse, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga yaabo in hoggaanka sare ee xisbiga iyo xukuumaddu ay ku qasban yihiin inay si cad uga hadlaan arrintan. “Haddii aan sidaas la yeelin,” ayay yiraahdeen, “waxaa halis ah in ay dhaawacdo xiriirka Hindiya ay la leedahay dalalkan.”

BBC SOMALI

 

Related Articles

News In English

Fikradaha