Sanadkii 2013 waxay ka mid noqotay guddiga saxaafadda ee xisbiga BJP, waxayna halkaas ku hanatay kaalinteeda marka la fiiriyo qaabka ay ugu doodaysay luuqadaha Hinduuga iyo Ingriiska.

Labo sano kaddib oo doorashooyin cusub lagu dhawaaqay, waxay ahayd murashaxa BJP ee ka dhanka ah madaxa Delhi Arvind Kejriwal.

Ma ahayn doorasho qofna uu filayay inay ku guulaysato, laakiin ololaheedii xoogga badnaa ayaa soo jiitay indhaha – waxaa loo magacaabay afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga ee Delhi, iyadoo sanadkii 2020 noqotay “Afhayeenka Qaranka” ee BJP.

Carada Dunida Muslimka

Dalalka Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas.

Qadar ayaa sheegtay in ay Hindiya ka rajeyneyso raalligelin dadweyne.

“In la oggolaado in hadallada Islaam nacaybka ah ay sii socdaan ciqaab-la’aan, waxay ka dhigan tahay halis weyn oo ku wajahan ilaalinta xuquuqul-insaanka, waxaana laga yaabaa inay horseeddo nacayb iyo takoor hor leh, taas oo abuuri doonta colaad iyo nacayb hor leh,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar.

Sacuudiga ayaa sidoo kale falkaan ka muujiya caro adag. “Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa cambaareysay hadalladii ka soo yeeray afhayeenka xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee Hindiya, ee lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxayna mar kale xaqiijinaysaa diidmada joogtada ah ee nacaybka ka dhanka ah diinta Islaamka,” ayaa lagu yiri.

Safiirka India u fadhiya Qadar, Deepak Mittal, ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeraya qaar ka tirsan ‘dadka nacaybka ku xeeldheer’ aysan matalin aragtida dowladda Hindiya. Hoggaamiyeyaasha sare ee BJP iyo safiirrada kale ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalka muranka dhaliyay.

Balse, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga yaabo in hoggaanka sare ee xisbiga iyo xukuumaddu ay ku qasban yihiin inay si cad uga hadlaan arrintan. “Haddii aan sidaas la yeelin,” ayay yiraahdeen, “waxaa halis ah in ay dhaawacdo xiriirka Hindiya ay la leedahay dalalkan.”

BBC SOMALI