Nin siyaasi ah oo loo dilay hadallo been abuur ah oo looga faafiyay WhatsApp

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Siyaasi u dhashay dalka Mexico ayaa la dilay kadib markii hadallo been abuur ah looga faafiyay barta WhatsApp, waxaana lagu eedeeyay in uu carruurta qafaasho, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Daniel Picazo oo 31 jir ahaa ayaa waxaa weeraray ku dhawaad 200 qof xilli uu ku sugnaa gobolka bartamaha dhaca ee Puebla.

Wuxuu xilliggaas booqanayay halkaas, dad careysan ayaa soo weeraray, waxayna qabadsiiyeen dab.

Mas’uuliyiinta deegaanka waxay dhacdadan ku tilmaameen fal waxshinimo ah.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha