WARCUSUB : Wadada KM4 ee Muqdisho oo lagu kala cararay

|

Muqdisho (ONKOD) Wadada KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa ciidanka amniga ay xireen ka dib markii laga shakiyay gaari konteenar ah oo wadada dhax yaalla.

Mashquul badan ayaa ka  jira dhammaan waddooyinka KM4 ku hareeraysan halkaas oo ay soo gaareen ciidanka amniga.

Dadwaynaha ayaa ka kala cararay halka gaarigan uu yaalo oo  looga shakiyay inuu ay ku raran yihiin waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha , Dowladda Soomaaliya ma aysan faahfaahin qaraxa laga shakiyay ee la dhigay wadada KM4 ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo   boolis oo soo gaaray goobta ayaa  dadka u diiday in goobta ay u dhawaadaan

Related Articles

News In English

Fikradaha