PUNTLAND : Doorashada 3 Degmo oo la qabanayo & khilaafkii oo la xaliyay

|

Garowe (ONKOD) Guddiga doorashada Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaarayo khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee hor istaagay qabsoomidda doorashada golaha degaanka Garowe iyo labo degmo oo kale.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanku ay ku howlan yihiin xal ka gaaridda doorashada saddexda degmo.

Wuxuu sheegay in aysan hadda jirin caqabad weyn oo hortaagan doorashada, isagoo sheegay in wada hadalada socda ay yihiin kuwo siyaasadeed oo meesha looga saarayo baaqashada doorashada.

Dhinaca kale, ciidamadii hor taagnaa doorashada ayaa weli ku sugan magaalada Garowe duleedyadeeda, iyagoo weli diidan go’aankii dhowaan kasoo baxay guddi arrimahan loo xilsaaray, kuwaas oo go’aamiyay in ciidamadu ku laabtaan fariisimahoodii.

Goor sii horeysay  Guddiga ayaa soo bandhigay natiijooyinka  ay kala heleen xisbiyada siyasadeed ee ku  loolamay doorashooyinka Golaha deegaanka maamulka Puntland.

Doorashada golayaasha deegaanka ayaa ka dhacday sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, inkastoo cabsi amni ay keentay in la hakiyo codbixinta deegaanada qaar.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha